Daawo:Madaxwaynaha Soomaliya oo kubaaqay Midnimo iyo in lajoojiyo dagaalka Tukaraq

farmajo

Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeediyay fagaaraha Garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho oo maanta ay isugu yimaadeen kumanaan shacab ah iyo mas`uuliyiin ka socda dowlada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dar daarmay in ay ilaaliyaan wadaniyada iyo midnimada Soomaaliyeed islamarkaana Shacabka aan lagu dirin Dowladooda.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay Xiisada ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dagaalkaas.

Madawyanaha Soomaliya ayaa sheegay in dowladiisa ay la fureyso wadahadalo Soomaaliland wuxuuna yiri”Walaalaheen Soomaaliland waa garab naga maqan” Waxaana goor dhow dar dar gelineynaa wadahadalo aan ugu hadleyno midnimada umada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka ka hadlay dagaalka dowlada ay kula jirto kooxaha kala duwan ee dalka ka dagaalama, sida kooxda Al-shabaab iyo Daacish, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in hal meel looga soo wada jeysto dagaalka ka dhanka kooxahaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.