Madaxwayne Farmaajo ayaa Maalinta Xornimada Soomaliya awgeed uga Baaqsaday Shirkii Madaxda Africa

farmajo

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb geli doonin Shirka caadiga ee Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika oo lagu wado inuu ka furmo caasimadda dalka Mauritania, Madaxweynaha Soomaliya Ayaa waxuu ugu Baaqsaday Shirka ay ka qayb Galayeen Madaxda Dalalka Africa Munaasabadda 1da Luulyo oo ah maalinta Xoriyada Soomaliya ahna Is-raaca Goballadda Waqooyi iyo Koonfureed taas oo dabaal dageedu ka dhici doono Soomaliya iyo dalka dibadiisa.

Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Afrika ee maanta ka furmayo caasimadda dalka Mauratania ee Nawakshot waxa uu socon doonaa ilaa maalinta Isniinta ee soo socota oo ay taariikhdu tahay 2-da bisha Luulyo.

Qaar ka mid ah Madaxda dalalka Afrika ayaa la sheegay inaysan ka qeyb geli doonin Shirkaasi iyadoo Madaxweynaha dalka Kenye Uhuru Kenyatta la sheegay inuu ka baaqday Shirkaasi Sababo la xiriira xaallado degdeg ah oo Kajira Dalka Keny.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.