Shirka Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlada Somaliya iyo Maamul Goboleedyada oo furmay Muqdisho Kafurmay

dastuurka

Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir ku soo bandhigi doonaan horumarka seddexdii bilood ee la soo dhaafay laga sameeyay arrimaha dib-u-eegista Dastuurka iyo howlaha hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS Mudane Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo furay shirka ayaa ka hadlay ujeeddada shirka, isagoo yiri: “Waxaan marka hore Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay Shirka Madasha uga soo qaybgaleen, shirkan shanaad ee madashan aan ku mideysannahay waxuu inoo leeyahay muhiimad gaar ah maadaama aan xog ku kala qaadaneyno si wadajir ahna aan uga heshiineyno waxa aan qaban doonno inaga oo si mideysan ugu soo guuleysanay qabashada Shir-weynihii Qaran ee Dastuurka” 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.