Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo kulan laqaatay amiirka kuwait

wasiir

Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa oo ku sugan dalka Kuwait ayaa la kulmay amiirka dalkaasi Kuwait Sheikh Sabaax Al-axmed Aljaabir Alsabaax.
Wasiirka ayaa ugu horeyn amiirka Kuwait guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Axmed Ciise Cawad ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaasi Kuwait, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas Sheikh Sabaax Alkhaalid Alxamad Alsabax oo ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxa uu sidoo kale la kulmay wasiirka Waxbarashada Kuwait iyo guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Kuwait, oo ay ka wada hadleen mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ay Kuwait ka fulineyso dalkeenna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.