Sawiro:Jaaliyada Somaliyeed eeToronto Canada ayaa siwayn usoo dhaweysay Fananka Ustaad axmed Naaji

naji

Waxaa Magaalada Toronto ee dalka Canada si diiran loogu soo dhaweeyey Fanaanka Soomaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay Jaaliyada Soomaliyeed ku sugan Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Axmed naaji Sacad ayaa waxaa uu Magaalada Toronto u yimid sidii uu Ummmada Soomaliyeed ugala qayb qaadan lahaa Munaasabada 1da Luulyo oo kadhici Dooto Magaalada Toronto waxaa kasoo qayb galaya dad aad utirabadan oo ka kala imaanaya Magaalooyinka Dalka Canada gaar ahaan Magaalada Tortonto.

Jaaliyada Soomaliyeed ee Magaalada Toronto ayaa waxaa Casumaad u fidiyeen Faanaan Axmed naaji Sacd si uu ugala qayb qaata Damaashaadka Maalinta 1da Luulyo waxaana Munaasabadaan qayb wayn ka qadan jiray sanadii lasoo dhaafay Allaha unaxariistee Mama Khadiija C/laahi Dalays iyo Faadumo Cali Nakruuma oo hada ku maqan Muqdisho
naji

naji

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.