Sawiro:Guddoomiyaha Golaah Aqalka sare Somaliya ayaa kulan la qaatay dhigiisa Kenya

xaashi

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhiggiisa kaga mahad celiyay dowladda Kenya kaalmada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliya gaar ahaan xiliyadii adkaa ee dalku ku jiray, waxaana labada gudddoomiye isla qaateen muhiimadda ay leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha xagga aqoonta.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Hab-dhawraha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macallin Xasan, Xildhibaan (Kenya) Amina Geeddow Xildhibaan Hore (Kenya) Aden Macalin Cabdullahi, , Eric Ogolo, Madaxda hab-maamuuska Senate-ka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Guddoonka iyo Aqalka Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ayna booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiaha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.
cabdixaashi

cabdixaashi

xaashi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.