Sawiro:Shirkii looga hadlayay arimaha Beeraha oo ku soo xirmay Columbus

Shir looga hadlayay arimaha Beerah oo ay ka soo qeybgakeen aqoonyhano Soomaaliyeed oo ka kala yimid meelo kala gadisan ayaa manta lagu soo xiray magaalada Columbus Ohio ee dalkan Mareyknka.

Shirka oo soo biloowday maalinimadii jimcada waxa uu sadxda cisho ka socday Jaamacada Ohio State University ee magaalada Columbus,waxaana ka soo qeybgalay dad aad u badan oo isugu jiray waxgarad,Culumo,Macalimiin jaamacado ka dhiga dalkan Mareykanka,Masuuliyiin xilal ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray iyo qeybo kale oo muiim ah.

Ujeedk ayaa ahaa sidii loo lafo guri lahaa loona dhiraan dhirin lahaa xaalada Beeraha iyo Biyaha Soomaalia,waxa si weyn looga doody arimaha Beeraha iyo sida loo hormumarinkaro,halkii ay Mari jireen beerha Soomaaliya,Halka Manta ay joogaan iyo halka lagu socdo.

Waxaa la isla qiray in xaalada Colaadaha iyo Amni xumada ka jirta dalka Soomaaliya ay saamayn buuxdo ku yeelatay waxsoo saarkii Beeraha oo xili ahaan jiray mid ka mid ah dalalka ugu wax soo saarka badan Afrika dhanka Beeraha.

Aqoonta ku jirta aqoonyahanada iyo kaalimaha Banaan ayaa ah kuwo ka tarjumayay saamaynta ay colaaduhu xitaa ku yeesheen dadkii dalka wax u bartay oo aan aqoontoodii ku celin sababo amni awgood.

Waxaa si weyn looga hadlay Noocyada dhirta Soomaaliya oo ahaa Barnaamij aad u xiiso badnaa,Baaritaano horey loo sameeyay iyo quburo sheegtay in mudadii baaritaankooda ay soo ogaadeen in Soomaaliya ay ka baxaan geedo aan caalamka intiisa kale ka bixin.

Wabiyada iyo talaabooyinka Dowlada itoobiya ku samaynayso biyo xireenada ayaa ahaa midka sida aadka isna looga hadlay waxana laga warbixiyay marxaladaha ay wabiyada Soomaaliya horey iyo iminkaba ugu suganyihiin.

Doorka dowladnimo ee Beeraha iyo wabiyada waa kuwo dhaliil badan loo soo jeedinayo waxaase wali muuqata rajo fiican oo ay leeyihiin Beeralayda, iyo dadka xoolaha dhaqda, waxana Tuusaale loo soo qaatay in ay jiraan dalal ay Soomaaliya kag fiicantahay wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha nool iyada oo mudo dheer Nidaam la’aan ka jirtay.

Waxaa mudadii uu barnaamijku socday la qabtay doodo iyo aragti is dhaafsi ku salysnayd Beeraha Soomaliya.

Waxaa ugu danbayn la isla qaatay dhowr arimood oo ay ka mid tahay in la helo amni oo laga wada shaqeeyo sidii amniga loo xoojin lahaa, In Aqoonyahanda Beeraha ku xeel dheer lagala tashado wixii ku saabsan horumarinta Beeraha, In la sameeyo qiimayn iyo siyaasad lagu horumarinayo Beeraha.

Aqoonayahanadii ka soo qeyb galay shirkan ayaa sheegay in aysan jirin Dowlad iyo urur u diray ama dhaqaalo ku siiyay shirkan balse ay iskood isku xilsaareen, isla markana y diyaar u yihiin in ay si mutadawacnimaa aqoontooda uga faaiideeyaan dalkoda.

Waxa uu ahaa barnaamij aad u xiiso badan wax badana looga hadlay arimaha beeraha iyo Soomaaliya, waxa uu ku soo xirmay Jawi aad u macaan.

usa

usa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.