Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gebagebeeyay booqasho hal maalin qaadatay oo dalka Rwanda uu ku joogay, ayaa magaalada Kigali ee caasimadda dalkaas kulan kula qaatay madaxweynaha Rwanda ahna gudoomiyaha Midawga Afrika, Paul Kagame.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Rwanda ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.