Maqaal:Xafarkii Axmed Abeyee Soomaliya W/Q Jimcaale

itoobiya

Waxaa hubal ah in miisaanka Go,aanada ka soo baxay iyo waqtiga oo ku koobnaa afar saacadood kaliya safar qaatay ayyan ahayn wax is le,eg,sidoo kale waxaa aad u culus waxa dhexyaalay Itoobiya iyo Soomaaliya oo taariikhdeedu aad iyo aad u fog tahay in heshiis intaas le,eg mar qura islama filaan ah uu labada dal dhex maro waxay tahay arin xasaasiyad keeni karta qofkii ka biya diidana layaab malaha.

Haddaba heshiiskaan iyo waxa laga filan karo dad badan baa ka hadlay nin walbana dhinaca uu rabay buu la aaday qolo guuldaro cusub ku tilmaantay iyo halis horle oo soo socota iyo qolo dhinaca wanaaga iyo horumarka tilaabo loo qaaday oo loo baahnaa ku tilmaantay,isku soo wada duud 16/06/2018 wixii Muqdishow ka dhacay ma fudeyn ismana lihi shacbiga labada dale e Itoobiya iyo Soomaliya in madaxdoodu gaari karto go,aano waaweyn oo itaas gaarsiisan maanka midkoodna kuma hayn,laakiin dhacday.
Intaas haddaan faalada ku soo kobo aan u gudbo waxa aan shaqsi ahaan qabaa waana sidaan;-
1-Marka ugu horeysa haddii heshiiskaas uu u dhaqangalo si hufan oo aan lagu dhaawicin qaranka Soomaaliyeed waa guul iyo horumar labada dalba.
2-Marka labaad waxaan qabaa go,aan afar saacadood kaliya lagu qaato mahayn.
3-Marka Saddexaad shaki baa igu jira in qolo saddexaad gadaal kariixayso laguna kala dilaayo Soomaliya iyo saaxiibadeeda dhabta ah oo taageerada hagar la,aaneed mudada dheer la garabtaagnaa sida Turkiga iyo Kadar.
4-Marka afraad heshiisku waa qira weyn yahay mana faahfaahsana xaajaduna ma noqon karto(MIRO BERDE DUUDUUB BAA LOO CUNAA).
Sidaas awgeed qolada mucaaradka ah waxaan leeyahay arinta ha ka dhigina (GABADHU AYYADA OO OOYI RABTAY BAA Sac ku joogsaday),kuwa muxaafidka ah waxaan ku leeyahay arinta u qaata (WAXAASI WAA LAG EE DHEELALAABO HA KU CUNINA).
Gabagaddii aan ku soo ururiyo Madaxda go,aankaan noo gaartay heshiishka sida uu yahay kuma qaadan karno ee haddaadba ku deg degteen oo in loo gogol badsadaa idin seegtay faahfaahin hufan oo deg deg ah ka bixiya halka wax u socdaan,waa talada kaliya oo aan idin dhihi lahaa haddaan idin soo gaari karo,waxaanse uga faa,ideysanayaa rayyigeega halkaan.
Cabdullaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.