Daawo:Madaxwayne Kuxigeenka Ahlusuna Oo sheegay in Galmudug Labo u kala Jabtay

xasan gaboobe

Madaxwne kuxigenkii Ahlusuna ee Gobolada dhexe Xasan Gaboobe ayaa shalay galinkii dambe gaaray Degmada Cabudwaaq ee Gobobolka Galgaduud Kadib Markii Qiilaf soo kala dhexgalay Madaxwaymaha Galmudug Xaaf iyo Madaxa dowlada Galmudug Shiiq Shaakir.

Madaxwayne kuxigeenka Ahlusuna ayaa katagay magalada Dhusamareb ee Casimada Galmudug taa oo uu uga khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxda Ahlusuna ee deegaankoodu yahay Dhusamareb iyo Guricel ee hada talada deegaankaas haya kuwaa oo uu sheegay in kala qaybin iyo awood marooqsi doonaya inay kumeel mariyaan heshiiskii Djibouti taana uu in badan kala hadlay madaxda Ahlusuna inay kawantoban.

Madaxwayne kuxigeenka Ahlusuna Xasan Gaboobe ayaa sheegay in Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ( Xaaf ) uu Galmudug lahabaabayy islamarkaana uu in badan kula taliyay sidii heshiiskii Djibouti sidii loo soo saxiixay loo fuliyo lagana daayo in waxaan lagu balamin lagu kordhiyo.
Hadalkan madaxwayne kuxigeenka Ahlusuna Xasan Gaboobe iyo khilaafka madaxda Galmudug u saraysa ayaa ah mid katurjumaya siyaasad xumida haysata madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale iyo Shiiq Shaakir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.