Sawiro:Shir looga hadlayo arimaha Deegaanka iyo Biyaha ayaa ka furmay Columbus Ohio

Aqoonyahano Soomaaliyeed oo isugu jira qabiiro dhinaca beeraha,wasiiro xilala ka soo qabtay Wasaarada Beeraha Soomaaliya,iyo masuuliyiin ku taqasusay cilmiga deegaanka ayaa shir uga furmay magalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka

Waxa ay ka kala yimaadeen goboladda Dalka Mareykanka,Canada, Nairobi iyo meelo kale oo baddan.

Shirkan ayaa ka furmay hollka shirarka ee Jaamaca The Ohio State Unuversity ee magaalada Columbus waxana ujeedku yahay Baadigoobka hanaan lagu bad baadiyo deegaanka iyo sidii loo dhiirogalinlahaa jiilasha cusub ee barta cilmiga deegaanka xili Soomaaliya jarista Dhirta fatahaadaha wabiyada iyo biya yariduba ay ku soo dag dagaan loona baahanyahay in lagu baraarugo muhiimada deeganka.

Waxa ay intooda baddan aqoon u leeyihiin arimaha deegaanka waxay wax ku barteen wadamada dibada, waxayna ka soo shaqeeyeen gudaha Soomaaliya xiliyo kala gadisan,waxa ay u arkaan xiligan in uu yahay xiligii ay Taariikhda qori lahaayeen iyagana ay qori lahayd, oo ay dalkooda iyo dadkooda dhaxal uga tagaan.

Xubanaha shirkan uga furmay Columbus oo gaaraya Boqol iyo shan xubnood (105) waxa ay qireen in Soomaaliya ay tahay wadan leh dhulbeereedka Geeska Africa ugu fiican lakin ay ku xeeranyihiin caqabado hortaagan in horay loo dhigo arimaha beeraha, lakin dhanka kale ay jiran dul baddan oo la beeri karo oo Nabad iyo Maamul ka jiro hadana aan laga faa’iidaysa, waana arimaha keenaya in aan lagu baarurugin ahmiyada Beraha.

Ma jirto dowlad ama urur iskugu yeeray intan oo aqoonayahan ah balse waxa ay isla garteen in tani ay tahay doorkoodii kaga aadanaa dalkooda maadama intooda badan ay wax ku barteen Canshuurtii Dowlada Soomaaliya ay ka qaaday shacabka.

Shirkan oo sadex cisho socon doona waxaa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed sida ay sheegeen wax gal u noqon doona arimaha deegaanka iyo beeraha Soomaaliya gaar ahaan Ardada barata Cilmiga deegaanka.

Waa markii ugu horeysay oo shir looga hadlayo arimaha deegaanka lagu qabtay Columbus waana shir ahmiyad u yeelan doona dadka xiiseeya arimaha beeraha,deegaanka iyo Cimilada Soomaaliya.

Deeqo Shire (SONNA)

usa usa usa usa

usa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.