Daawo: Lacag ku dhow 300,000 kun dollar oo Gudiga Gurmadka qaran ee fataahada wabiyada lagu eedeeyey inay

gudiga

Dhawaan bay hayd markii wabiyada Shabeele iyo Jubba ay ku fataheen deegaanada ay Maraan ee Hirshabeele iyo Jubbaland, fatahaadaas oo sababtay Dhimasho iyo Barakac balaaran iyadoo hanti badan ku baaba’day.

Dowlada Soomaliya ayaa waxay Magacowday Gudiga gurmadka Qaran ee fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeele oo ka kooban Ra’iisalwasiiro kuxigeen, wasiiro, xildhibaano iyo culumo waxaana deegaandii wabiyada ku fataheen loogu deeqay lacag loogu talagalay in dadkii dhibaatada kasoo gaartay wabiyada loo qabiyo.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi Maxamed Warsame (Deeq faandhe) ayaa ku eedeeyey Gudiga Gurmadka Qaran ee fatahaada wabiyada inaysan daba gal kusamayn Lacagtii looga tagalay shacabka Jubbaland ee lageeyey Magaalada kismaayo taas oo ku dhawayd 300’000 Kun oo Doolar.

Deeq faandhe ayaa waxuu ku eedeeyey Gudiga qaran ee Gurmadka fataahada wabiyada inaysan samayn Masuuliyadii ay qaadeen ee ahayd in lacagta loogu talagalay fatahaada wabiyada si musuq Masuuq ku jirin loo qaybinaayo meelihii ay ku baxdayna la shaacinaayo.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq faandhe ayaa waxuu uu ka codsaday Dowlada iyo Xildhibanada Soomaliyeed inay lacag kale ugu deeqaan dadkii ku waxyeeloobay fatahaada wabiyada iyo Roobabka ka da’ay deegaanka Jubbaland madaama Lacagtii hore Madaxwaynaha Jubbaland dhunsaday.

Lacagihii dowlada iyo Xildhibanada Soomaliyeed ugu deeqeen deegaanada Hirshabeele iyo Jubbaland ayaa deegaanadii loo deeqay la gaarsiiyey marka laga reebo midii lageeyey Jubbaland gaar ahaan Magaalada Kismaayo taas meelay martay aan war laga hayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.