Sawiro:Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan laqaatay Jaaliya Soomaliyeed ee Norway

khayre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaye, ayaa magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddankaasi ku dhaqan, kadib munaasabad ballaaran oo ay u sameeyeen wafdiga Ra’iiul Wasaaraha oo maalmihii u danbeeyey halkaasi ku sugnaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galayaasha Munaasabadda u jeediyay khudbad dhinacyo baadan taabanaysa oo khuseysa xaaladda dalka, horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagadeeda isku taago, isaga oo u sheegay in looga baahanyahay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas in ay ka qayb qaataan horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid uga jawaabay Su’aalo ay weydiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Norway, waxuuna ku boorriyay inay dadaalaan, oo ay taladooda, aqoontooda iyo waaya-aragtinamadooda u biiriyaan dawladda.

Wasiirka maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo munaasabadda ka hadlay ayaa faahfaahiyay horumarka dhanka dhaqaalaha ee laga sameeyey dalka muddadii ay jirtay xukuummadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre.
khayre

khayre

khayre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.