Daawo:Madaxweyne Soomaliya oo ka qeyb galaya shirka IGAD ee kadhacaya Itoobiya

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan Shir Madaxeed deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, Hoggaanka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ay kaga arrinsanayaan xasilinta dalka Koonfurta Suudaan.
Hoggaamiyeyaasha 8da dal ee ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo, waxa ay dib u eegis ku sameyn doonaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku saabsan dib-u-soo celinta nabadda Koonfurta Suudaan, qodobadii laga fuliyey heshiisyadii horey ay u kala saxiixdeen dhinacyadii ku dagaallamay dalkaas iyo caqabadaha haatan hortaagan in ay ka hana qaaddo xasillooni buuxda.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.