Sawiro:Wariyaal Baranaya xoriyadda hadalka iyo qoraalka oo aan laga ogalayn Kismaayo

kis

Magaalada Ksimaayo ayaa waxaa Ka furmay Tababar lagu baranayo xoriyadda hadalka iyo qoraalka kaas oo loogu tala galay in kor loogu qaado tayada iyo aqoonta warfidiyeenada ka hawlgala Kismaayo waxaana soo qaban qaabiyey UNSOM Waaxda Xaquuqal Aadanaha waxuuna Tobabarkaan soconayaa Labo maalmood.

Wasaaradda warfaafinta Jubbaland iyadoo fulinaysa Amarka Madaxwaynaha Jubbaland axmed Madoobe ayaa waxaa wariyaasha Kismaayo laga mamnuucay inay tabiyaan war looga soo horjeedo Ama lagu dhaliilaayo Maamulka Jubbaland, waxaana Marar Badan Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan u gacan qaaday Wariyaasha ka hawgala Magaalada Kismaayo.

waxaa Kaloo wariyaasha ka hawgala Kismaayo loo gaystay Xarig, Jirdil iyo ayagoo laga Masaafuriyey Magaalada Kismaayo, Hadaba Tobabarkaan ay Wariyaasha kismaayo qaadanayaan ayaa ahayn mid ay fulinayaan Maamulka jubbaland.

Wariyaasha Kismaayo Ka Hawl gala ma haystaan Xoriyad ay wax Kuqoraan ama ku tabiyaan taas oo adkaysan shaqadii ay u hayeen Bulshada Jubbaland.
kis

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.