Sawiro:Munaasabad lagu wacyi galinaayey Ciidanka Xoogga dalka Soomaliya ayaa Muqdisho

Dugsiga Gen. Gordan ee Ciidanka Xoogga dalka, ayaa Xalay Waxaa lagu qabtay munaasabad lagu wacyi-gelinayey Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada loogu magac daray 14-ka Oktoobar , kuwaasi oo ka jawaabay Baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana Ciidanka kusoo biiray ka dib Qaraxii Argagixisada ay ka geeysteen isgooyska Zoope.

Munaasabaddaasi, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxa Hoggaanka siyaadda iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare C/xamiid Sheikh Cali Xaydar, Taliyaha Guutaha 14ka Oktoobar, Madaxa Hab maamuuska Madaxtooyada Qaranka iyo Saraakiil kale.

Kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka, ayaa halkaasi kusoo bandhigay Heeso wadani ah oo ka turjumaya Nabada iyo dhibaatooyinka Kooxda naf lacaariga ah ee Alshabaab ay ku heyso Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa Hoggaanka siyaadda iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare C/xamiid Sheikh Cali Xaydar, ayaa sheegay in ujeedada munaasabadaan loo qabtay ay tahay in la wacyi geliyo Ciidanka Xoogga dalka, iyaddoo laga jawaabayo baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ee ahaa in la kordhiyo Wacyi gelinta Ciidamada qalabka sida, si ay u noqdaan Ciidan ka dhisan dhan walba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.