Sawiro:Dacwadii Bada Somaliya iyo Kenya oo Furmaysa Kadib Markii Soomaliya Soo gudbisay Jawaabtii laga Rabay

Sowlada Soomaliya ayaa Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague u gudbisay jawaabta gal dacwadeedka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Axmed Cali Daahir iyo qareenada la socda oo ay ka mid yihiin Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi ayaa la filayaa inay la hadlaan Warbaahinta, si ay faahfaahin uga bixiyaan Jawaabta Gal dacwadeedka ay gudbiyeen.

Galka Dacwadeedkan ayaa waxaa lagu balansanaa in Ergadan mataleysa Soomaaliya ay Maxkamadda ku wareejiyaan maanta oo ay ku beegantahay Taariikhda 18/06/2018 saacadu Bariga Afrika markey aheyd 4:30PM ama 3:30PM xilliga Netherlands.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo dhawaan Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan diyaar u aheyn Wada xaajood Dacwada Badda oo ay la gasho Kenya, wuxuuna xusay Wadada kaliya ee Murankan lagu xalin karo inay tahay go’aanka ay soo saarto Maxkamada Hague.
maxkamad

maxkamad

maxkamad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.