Maqal iyo Muuqaal:Dowladda Soomaliya oo ka hadashay dekadaha Itoobiya Maalgashanayso iyo hadalkii Ra’iisalwasaaraha Itoobiya

farmaajo

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Daahir Maxmauud Geelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka warbixiyay qorshaha guud ee heshiiska labada dowladood ay kala saxiixdeen socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia kaddib, kaasi oo salka ku hayay iskaashiga dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta waxyaabaha aas aasiga u ah labada dowladood.

Wasiirka oo ka hadlayay socdaalka wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia uu ku yimid Muqdisho ayaa sheegay inay ahayd casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxda kaasi oo looga hadlay in la xoojiyo xagga amniga oo iskaashiga laga yeesho, in xagga diblomaasiyadda tallaabooyin dheeraad ah la qaado, isla markaana qunsuliyado laga furo magaalooyinka labada dal, si qofkasta loogu fududeeyo isu socodka labada dal.
Hoos kadaawo ama Kadhageyso warkoo faahfaahsan


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.