Sawiro:Madaxda Soomaliya oo Muqdisho ku soo dhaweysay raiisul wasaaraha Itoobiya

itobiya

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Raiisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed oo markii ugu horeysay soo gaaray Soomaaliya tan iyo intii la doortay, Madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Waxay salaan sharaf ka qaateen ciidamada Bambayda,iyadoo si diiran loo soo dhaweeyey raiisul wasaaraha Itoobiya oo markii ugu horeysay booqasho rasmi ah ku yimaada Soomaaliya
Waa booqasho rasmi ah oo uu ku yimid Soomaaliya raiisul Wasaare Abiy Axmed kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka heley madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Maxamed Farmaajo.
Arrintani ayaa ah talaabo weyn oo muujinaysa in Soomaaliya ay cagta saartay dhabihii horumar marka.
Tani ayaa ku timid isbedelada dhanka amniga ah iyo horumarka ka jira Soomaaliya,taasi oo horseeday in madax badan oo caalamka ka socda ay yimaadaan Soomaaliya.
itoobiya

itoobiya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.