Daawo:Kulankii Dhexmaray Madaxwayne Farmaajo iyo Culumada Soomaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada iyo dabar-gooynta fikradaha dib u dhigay dowladnimadeenna, oo ay ka mid yihiin qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.