Akhriso:Axkaamta Zakaatul Fitriga W/QMaxamed Rashaad

AXKAAMTA SAKAATUL FIDRIGA
Hadday marti aad jeceshayhay kuu timaado in muda ahna kula joogto dee waa inaad markay kaatagayso si fiican u sagoontisaa, sahay iyo wadomar ku filana siisaa, Ramadaan ayaa marti inoo ahaa, waa bil qiima wayn muslimiinta agtooda ka leh, waa bilsha qofkii sanadka waxyaabo khalad ah ka dhaceen uu alle dibu heshiis la samaysan karo. Hadaba maxaynu soonkii sahay uga dhigaynaa oo ku sagoontinaynaa? Sakaatul fidriga, ayaynu sahay uga dhigaynaa ramadaankii.
waxaynu qoraalkan kooban kaga hadli doonaa axkaamta sakaatul fidriga inaga shan qaybood ku kala qaadidoona:
MAXAY TAHAY XIKMADA ALLE U WAAJIBIYAYA SAKAATUL FIDRIGA?
xikmada alle u waajibiyay sakaatul fidriga way badan tahay, nabigu sc wuxuu inoo sheegay xikamda rabbi ka leeyahay sakaatul fidriga, wuxuuna yidhi:

في حديث ابن عباس رضي الله عنهما ((فرض رسول الله صلى الله عليه وسلم زكاة الفطر طهرة للصائم من اللغو والرفث، وطعمة للمساكين…))

Ι labo faa’iido ayuu nabigu inoogu sheegay xikmada ku jirta sakaatu alfdhiriga:
1) in sakaatul fidrigu qofka soomanaa ka daahiriyo wixii gaf ah ama khadaad ah ee soonkiisa ku dhacay intii uu soomanaa.
2) in sakaatul fidrigu, dheefsiin iyo quudin u tahay masaakiinta aan waxay cunaan haysan maalinta ciida.
3- xikmada saddexaad eek u jirta sakaatul fidriga waa in dareenka guud ee bulshada la ilaaliyo si ummadu maalinta ciida ah u wada faraxdo waa in masaakiintana laga farxiyaa.

SAKAATUL FIDRIGA YAY KU WAA JIBTAA?
Waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslim ah oo maalinta ciida isaga iyo biil koodu ku waajibay quud ku filan haysta, mid yar mid wayn, rag dumar, mid xor ah mid adoon ah intaba way ku waajibtaa sida axaadiista nabiga ku cad.
MAXAA SAKAATUL FIDRIGA LAGU BIXIYAA?
Sida axaadiista nabiga sc ku cad waxaa sakaatul fidriga lagu bixin karaa wax kasta oo quutul balad noqon kara, ummada meeshaas dagana cunto ahaan u isticmaalaan.

، وقد ثبت في حديث ابن عمر رضي الله عنهما أنه قال: ((فرض رسول الله صلى الله عليه وسلم زكاة الفطر من رمضان صاعاً من تمر، أو صاعاً من شعير…))

.
noocyada kala duwan ee cuntada bariis, bur, galay, masago, qamandi, digir, iyo wixii la mid ah oo quud ahaan loo sticmaalo.
QADARKA LA BIXINAYO.
Waxaa qof walba laga bixinayaa hal suus oo u dhigma ku dhawaad saddex kilo culmada qaar ayaa yidhi halka suus wuxuu u dhigmaa 2.6 kg celcelis ahaan waxay noqonaysaa ugu yaraan 2.5kg illaa 3kg intaasba waad bixin kartaa.

YAA LA SIINAYAA SAKAATUL FIDRIGA ?
Waxaa la siinayaa masaakiinta. culimada qaar ayaa yidhi sideedii kooxood ee sakada kale la siin jiray ayaa la siinayaa oo dhamaan waa laga simayaa, laakiin sida raajaxa ah waa in sakaatul fidrigu maasaakiinta kali ah lasiinayo.
XILLIGA UGU FIICAN EE LABIXINAYO?
Xiliga ugu fiican oo labixinayo waa subaxa ciida ah inta aan salaada intaan la tuka ka hor, laakiin maalin ama labo maalmood ka hor maalinta ciid ah waad bixin kartaa oo axaadiis ayaa ku timid.
WQ: Maxamed Rashaad.
Saajid4045@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.