Sawiro:Madaxweyne Somaliya ayaa Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Belgium u fadhin doona Soomaaliya

farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dalka Belgiumka u fadhin doona Soomaliya Nicolas Nihon.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war bixin kooban ka siiyay Safiirka cusub ee Belgeum-ka u fadhin doona Soomaaliya xaaladda Dalka iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay xilligan saaxiibbo caawiya, Danjire Nicolas Nihon ayaa isna dhinaciisa muujiyay sida ay Dowladdiisu ugu hanweyn tahay inay garab istaagto Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxuu ka guddoomay warqadihiisii aqoonsiga ee Danjirenimo Safiirka dalka Belguim, taasina waxay muujinaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib ula soo noqonayso Safaaradaheedii dhammaan Adduunka ka jiray,waxaan is leeyahay wax yar oo fara ku tiris ah ayaa ka harsan Yurub iyaga waddada ayay kusoo jiraan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda.

farmajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.