Maxuu Raysawasaare Khayre kale Kulmay Kormeerkii xalay Ku tagay Xafadaha Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana uu halkaasi kula kulmay Saraakiisha ciidamada.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiirada Amniga, Qorsheynta, masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Ra”iisul wasaaraha ayaa kormeeray degmooyinka Warta-nabadda, Dayniile, Howl-wadaag, Heliwaa, Wadada Warshadaha iyo goobo kale oo katirsan magaalada Muqdisho.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay ciidanka Amniga oo uu ku dhiira geliyey howlaha culus oo ay u hayaan shacabka Soomaa;liyeed, isagoo sidoo kale hubinayey amar kasoo baxay Madaxweynaha dalka oo ahaa in bulshada loo fududeeyo isku socodkooda, kaasi oo si rasmi ah u dhaqan galay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.