Daawo:Madaxwayne gaas oo ka dhabeeyey Balanqaadkiisi isagoo Xariga ka Jaray

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taarikhdu tahay 10 June 2018 ayaa waxa uu xarigga ka jaray waddada Wasaaraddaha ee Puntland, waddadaas oo laga hirgeliyey magaalada Garoowe.

Waddadan cusub ee Wasaaraddaha ayaa dheerakeedu yahay 1.5 KM, waxaana ku baxday lacag gaaraysa 200,000$, iyadoona ay dhistay shirkad laga leeyahay Turkiga taasi oo ah shirkadii dhistay Garoonka diyaarada magaalada Garoowe ee Gen. Mohamed Abshir.
Dhismaha Waddada ayaa waxaa lagu dhisay barnaamijkii Puntland ee isku tashiga waxaana bixsay Dawladda Gobelleedka Puntland dhammaan kharshkii ku baxay hirgelinta mashruucan oo kamid noqonaya wadooyinka ugu bilicda wanaagsan guud ahaan Puntland marka lafiiriyo tayada dhismaha waddada iyo nashqadayntaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.