Sawiro:Gudoomiye Yariisow oo xariga ka jaray waddada isku xirta Madaxtooyada iyo

yariisow

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa Maanta xariga ka jaray Wadada ka soo baxda Madaxtooyada Soomaaliya ee tagta Dekadda Muqdisho.
Guddoomiye Yariisow ayaa xarig ka jarista waxa ku wehliyay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud iyo Maamulka degmada Xamar-Jajab.
Yariisow oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in waddadan ay muhiim u tahay bulshada gobolka Banaadir, waxa uu sidoo kale sheegay in waddadan ay isticmaali lahaayeen Madaxda Caalamka ee booqanaya Madaxtooyada.
Guddoomiye Eng Yariisow ayaa tilmaamay in Maamulkiisa uu ahmiyad siinayo dhismaha waddooyinka Muqdisho si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

yariisow

yariisow

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.