Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu qaabilsan arrimaha siyaasadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu qaabilsan arrimaha siyaasadda Rosemary dicalro oo uu wehliyey ergeyga QM ee Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo iyo Rosemary dicalro, ayaa kawada hadlay dadaalada dawladda Soomaaliya ay ka wado dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo Siyaasadda oo uu Madaxweynaha dalka uu la wadaagay Wafdiga ka socday QM.
Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu qaabilsan arrimaha siyaasadda Rosemary dicalro oo warbaahinta Qaranka la hadashay, ayaa sheegtay in dawladda Soomaaliya ay sameysay horumar muuqda, waxaana ay ballan qaaday Qaramada midoobay ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.