Daawo:Taariikh Nololeedkii Allaha Unaxariistee Rugcadaa Saxaafadeed Maxamed Aden Terra

Allaha u naxariistee Wariye sare Marxuum Maxamed Aadan Xirsi Teera ayaa maanta ku geeriyooday dalka Ingiriiska.
Hadaba taariikhdiisa oo kooban ayaa waxaa wax ka weydiinay Ustaad Faarax Cumar Nuur oo ay ka soo wada shaqeyn jireen Warfaafinta.
Ustaadka ayaa xusay in Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Aadan Xirsi Teera uu ku soo biiray Radio Muqdisho bishii August ee sanadkii 1973-kii kolkaasi oo uu ka mid ahaa dhallinyaro ka soo qalin badalatay Jaamacadda Lafoole, gaar ahaan kuliyadda saxaafadda.
Waxa uu ka mid ahaa dadka war akhriyahaasha loogu jecelyahay Idaacadda, isagoo sanadkii 1974 noqday war akhriyeyaasha Radio Muqdisho, isla markaana ahaa shaqsi balanta ku wanaagsan.
1979-kii ayuu noqday Madaxii Radio Muqdisho waxaana uu markii dambe noqday Agaasimaha Radio Muqdisho.
Sidoo kale waxa uu soo noqday Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA)
Dabayaaqadii sideetamaadkii waxa uu noqday Agaasimaha Idaacadaha Soomaaliyeed ee Hargeysa iyo Radio Muqdisho oo uu si wada jir ah hal mar u wada maamulayay.
Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Aadan Teera waxa dadkii ay isla soo shaqeyn jireen ay ku sifeeyeen in uu ahaa shaqsi daacad u ah shaqadiisa, islamarkaana ahaa nin howlkar badan oo ka baxay guud ahaan baxda Saxaafadda Soomaaliyeed.
Bur burkii dalka kadib waxa uu ahaa marxuumka shaqsi sii watay howlihii saxaafadda, isagoo u soo shaqeeyay Telefishinka Universal iyo Warbaahino kale.
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Aadan Xirsi Teera, iyagoo u rajeeyay marxuumka in uu Alle ka waraabiyo janadii fardowso, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo Imaan ka siiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.