Daawo:Dowladda Talyaaniga oo maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay agabyo loogu talagalay gurmadka deg dega

yariiw

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil sare oo ka socotay qeybta Mashaariicda Rayidka ah ee Dawladda Talyaaniga, waxa uuna uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in agabka ay kala wareegeen Talyaaniga uu yahay mid casri ah oo gacan ka geysanaya Dabdamiska Caasimadda, waxuna xusay in maamulkiisu uu mudnaan dhow siinayo sidii adeegyada dabdamisku u noqon lahaayeen kuwa dhameystiran oo dabooli kara baahida shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.