Daawo:Warbixin kawaramaysa habmaamuuskii loo aasay Eebe ha uraxmadee Xildhibaan Ismaaciil iyo Xildhibaan Daahir

Waxaa maanta aas loogu sameeyay magaalada Jowhar laba xildhibaan iyo gudoomiye ku xigeenkii deegaanka Raaga Ceelle oo shalay Xoogag katirsan Al-shabaab ay ku dileen gobalka shabeellaha dhaxe.

Qabuuro ku yaal magaalada Jowhar ayaa lagu aasay meydadka labada xildhibaan iyo gudoomiye ku xigeenkii deegaanka Raaga Ceelle, waxaana kasoo qeyb galay aaska marxuumiintaas, masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle uu kamid yahay gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabeele Cismaan Barre Maxamed iyo Madaxwayne kuxigeenka Hirshabeele Cali guudlaawe xuseen, wasiiro saraakiil ciidan, iyo xubno katirsan maamulka Hirshabeelle iyo ehelada marxuumiinta shalay la dilay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.