Puntland oo Cambaareysay Lacagtii loogu deeqay shacabka Somaliland ee Duufanta saameysay

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdulaahi Cali Xirsi Timacadde oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa cambaareeyay lacagtaan isagoo sheegay in loogu talo galay in Muuse Biixi hub loogu iibiyo islamarkaana lagu huriyo colaada ka taagan Sool.

Wasiirka ayaa xusay Puntland inaysan kasoo horjeedin in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya lacagtaas wax loogu qabto, balse ay ka walaacsan yihiin in loo adeegsado arrimo siyaasadeed iyo abaabul colaadeed, Dawladda Soomaaliya ayaa 1milyan oo Doollar ugu deeqday hawlaha gurmadka duufaatanadii ka dhacay degaanada Maamulka Somaliland.

Shir ay yeesheen Gudiga gurmadka Qaranka oo uu shir gudoominayay Raiisal wasaare ku xigeenka dalka ayaay sheegay in Dawladdu ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka dabaylaha watay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Video Dhawaan lasocda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.