Madaxweynaha Soomaaliya oo Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga”Sawiro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor-dhow ka furay Magaalada Baydhabo Shirka Golaha Amniga Qaranka, Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/l/aahi Farmaajo ayaa waxaa qayb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Md Xasan Cali Khayre ,xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ,dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyadda Dalka iyo Guddoomiyha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa looga hadlayaa Amniga guud ee Dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad Dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka Ciidamada.

khayre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.