Ra”iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Baydhabo

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.
Ra”iisul Wasaaraha dalka waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey masuuliyiinta dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya oo uu ugu horeeya Madaxweyne Shariif Xasan iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa magaalada Baydhabo kaga qeyb gali doona Shirka golaha amniga Qaranka oo lagu wado berri oo isniin ah inuu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dawlad goboleedka Koofur Galbeed.
Shirkaas waxaa sidoo kale ka qayb galaya madaxda dawlad goboleedyada iyo laamaha kale ee dawladda, waxaana diiradda lagu saari doonaa xaaladda amni ee dalka, xoojinta dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab iyo arrimaha siyaasadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.