Madawaynayasha Puntland iyo Galmudug oo gaaray Baydhabo

gaas

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyadda Galmudug Iyo Puntland ayaa Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa diyaarad qaas ka soo qaaday magaalooyinka Garowe iyo Dhuusamareeb ayaa noqday Madaxdii u horeeyay oo ka socda dowlad goboleedyada oo ka dega Baydhabo.
Waxaa Sidoo kale lagu waddaa in ay gaaraan Magaalada Baydhabo Madaxda Hirshabeelle, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo galinka dambe ee maanta la qorsheynayo in lagu qabto shirka goloha amniga qaranka oo saddexdii biloodba mar la qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.