Dhageyso:lacagtii loogu talagay gurmadka fatahada jubbaland oo Jeebka Axmed Madoobe Gashay iyo Baaq loo diray Dowlada iyo xildhibaanada Soomaliya

jubalad

Magaalada Kismaayo waxay Dowlada Xildhibanada Soomaliya Geeyeen Lacag loogu talagalay in wax loogu qabto dadka waxyeeleeyeen Fataahada wabiga Jubba iyo qasaaraha ay Geesteen Roobab xoog badan oo ka da’ay deegaanada Jubbalad, Lacagta lageeyey Kismaayo ayaa waxay ku dhowday 300 oo Kun Doolar walina looma qaybin dadkii loogu talagaly ee baahiyaha wayn u qabay.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi Maxamed Warsame “Deeq Faandhe “ ayaa waxuu sheegay in dhaqaalihii loo geeyey Maamulka Jubbaland inaan dadkii loogu talagalay Lasoo gaarsiin waxaana wax lala yaabo ah in markii lacagtaas la dhiibahay aan wax sharuuda lagu xirin sida mid Hirshabeele oo markii Maamulka Hirshabeele lagu wareejinaayey loo sheegay in lacagtaas sida ugu dhaqasaha badan shacabka dhibaataysan loo gaarsiiyo.

Waxaa kaloo Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq faandhe Sheegay lacagtaas Lageeyey Kismaayo gudiga gurmadka fatahaada ku samayn wax daba gal ah inay gaartay dadkii loogu talagalay sida mid Hirshabeele.
Ugu Dambayntii waxuu Musharaxa Deeq Faandhe ayaa Dowlada iyo xildhibaanada Soomaliyeed ugu baaqay inay Dhaqaale kale usoo diraan Shacabka Jubbaland ee waxyeeleeyeen Fataahada wabiga Jubba ama dhaqaalihii ay geeyeen Kismaayo dadkii u baahnaa ay gaarsiiyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.