Daawo:Madaxwaynaha Soomaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyey Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaali Farmaajo iyo Wafdi uu haggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu wado in uu ka furmo shirka Golaha Amniga.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa goroonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Cali kheyre ,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ,Mas’uuliyiin kale iyo Shacabka Magaaladaasi.

Shirka Golaha Amniga oo uu shir guddiimin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaana looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.