Wasiirka Warfaafinta oo maanta xilkiisa loo dhaariyay ayaa laga filayaa inuu idacada VOA kajoojiyo Waxbaahinta qaranka”Sawiro”

wasiir

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle.
kulanka waxa uu ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa, waxana goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ( Muudeey ), qaar ka mid ah guddiyada joogtada iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).
Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa ee Golaha Shacabka ayaa Wasiirka cusub dhaariyay.
Dhaarinta ka dib ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh c/raxmaan waxa uu wasiirka cusub kula dardaarmay inuu si wanaagsan shaqadiisa u guto.
waxa uu sidoo kale sheegay in wasiirka cusub loogu baahan yahay in uu ka shaqeeyo hormarinta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta xiriirka warbaahinta madaxa banaan iyo dowladda.

Wasiirka Warfaafinata Soomaliya ayaa waxaa laga filaaya inuu Idaacada VOA oo dhexmarta warbaahinta qaranka sida raadiyaha in laga joojiyo taas oo sharf dhac ku ah Warbaahinta qaranka, Idaacada Maraykanka VOA ayaa inta badan tabisa warar lidku ah shacabka ioyo dowlada Soomaliya.
wasiir

wasiir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.