Dhagayso:Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug oo Sheegtay inaan xaaf laga yeelayn Mudo kororsi

xaaf

Xildhibaan Farxiyo Xasan Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegtay in qodobka ugu weyn ee dhaliyey khilaafka Galmudug uu yahay in Madaxweyne Xaaf uu sameeyey waqti kororsi,isla markaana 14 qodob oo ka mid ahaa heshiiskii Jabuuti qaarkood uu jebiyey sida ay hadalka u dhigtay.
Waxa ay sheegtay in qaabka awood qeybsiga deegaanada Galmudug lagu takri falay,isla markaana Beelo Xildhibaano horay u lahaa laga weeciyey,sido kalena Beelo aan deganeyn Galmudug lasiiyey tiro Xildhibaano.
Waxaa la weeydiiyey Su’aal aheyd qodobada ugu weyn ee sababay khilaafka Madaxda Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku sheegtay Saddex qodob oo kala ah in waqti kororsi uu sameystay Madaxweyne Xaaf,jebinta iyo isbedel lagu sameeyey Dastuurkii Maamulkaas iyo habka awood qeybsiga xilalka dowlad goboleedka Galmudug.

Hoos ka dhagesyo Xildhibaan Farxiyo oo u waramaysa Radio Dalsan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.