Axmed Madoobe oo Fashil kala kulmay Nairobi ayaa kismaayo oo Madaxtooyadii laysku laayey kusoo laabtay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada ku meel gaarka ah ee Jubbaland, Axmed madoobe ayaa waxuu Nairobi u tagay sidii uu taageero uga heli lahaa Xildhibaano iyo Masuuliyiinka soomali ah oo katirsan Dowlada kenya iyo inuu kulan la qaato Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xildhibaanada iyo soomalida Kenya ayaa waxay usheegen inay adag tahay in wax Lagala qabto shacabka Jubbaladnee kasoo Horjeeda Axmed Madoobe Madaama uu gudan waayey Axmed madoobe masuuliyadii saarnayd.

Dhanka kale Waxaa suurta gal noqon wayday in Axmed madoobe la kulmo Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo sababto ah Madaxwaynaha Soomaliya oo kulama ka mahiimsan ka Axmed madoobe u yimid Kenya.

Axmed Madoobe ayaa markii Kismaayo Maanta kusoo noqday waxaa lagu salamay in Askartiisi ilaalada ahayd ay isku laayeen Madaxtooyada Jubbaland taas oo ku noqotay axmed madoobe Guul daro Sadexaad waxaana sii xoogaysana dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ay wadaan Shacabka Jubbland ee looga soo horjeedo Axmed Madoobe kaas oo ka socda Dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.