Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliya Oo Balanqaaday Bixinta Xuquuqda Barlamaankii Hore

barlamanhore

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa afur u sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad, Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu guddoomiyaha kaga mahad celinaayay xildhibaanada howlihii wanaagsanaa oo ay dalka ka soo qabtay iyo iney hada wada shaqeyn dhex marto.
Xildhibaanada ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhibaatooyinkii laga soo maray golahan iyo talooyinkooda la xiriira sida hada loo sii hormarin karo golaha shacabka.
Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa marka hore xildhibaanada kaga mahad celiyay sida ay usoo ajiibeyn kulanka afurka ee uu u sameeyay.

Waxaana idiin balan qaadaya inan bixin doono xuquuqda iyo tixgelinta aad golaha shacabka ku leedihiin ayuu  yiri guddoomiye Maxamed Mursal.
kulanka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad waxa ayna guddoomiyaha ugu mahad celiyeen kulanka afurka ah ee uu u sameeyay.
Sidoo kale waxa ay guddoomiyaha ku dhiira geliyeen in uu sii labo jibaaro dadaalka uu wado, iyo inuu ilaaliyo madax banaanida golaha shacabka.
kulankan uu guddoomiyaha la qaatay xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad ayaa qeyb ka ah kulamada isbarashada, xog wareysiga iyo latashiga uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka ee muqdisho ku sugan.

barlamanhore barla

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.