Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya oo kormeeray xafiisyo Guddiyada Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa maanta kormeer ku sameeyay xafiisyo cusub oo ay yeelanayaan Guddiyada ugu shaqada badan Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Ujeedka kormeerka Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku tagay xafiisyada cusub ayaa waxay tahay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Guddiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo in Guddi kasta uu helo xafiis u gaar ah oo ay shaqooyinka ku gutaan si ay ugu adeegaan Shacabkooda.

Sidoo kale,Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa dalbaday in muddo Todobaad ah lagu soo gaba gabeeyo Dhismaha iyo qalabeynta Xafiisyadaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.