Daawo:Raysawasare Khayre oo waheliyaan wasiirka Gashandhiga iyo Saraakiil ayaa Booqday Xarunta Balli-Doogle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka ayaa booqday Xarunta tababorka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tobobaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle. Wuxuuna xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee xaruntan cusub wuxuuna boggaadiyay sida quruxda badan ee loo dhisay iyohabka loo qalabeeyay. Isagoona u mahed celiyay dhammaan dadkii ka shaqeeyay howshan wanaagsan oo ay ugu horayso dawladda Maraynkanka oo hirgilsay dhismaha xaruntan lagu tabobari doono ciidanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad u jeediyay qaar ka mid ah ciidanka ayaa yiri ” Dhismaha xarunta cusub waxaa ka muuqata soo noqshada iyo dib u qaabaynta ciidmadda xooga dalka Soomaaliyeed, cid walba oo shaki ka qabtay in ay soo laabanayso qaranimadii soomaaliya tan ayaa ugu filin.

“Si dawladnimo loo xoojiyo waa in la helaa dhalinyarro Soomaaliyeed oo ogolaata in dhiigooda iyo naftoodaba ay u huraan dalkooda, waana mida aad maanta halkan u joogtaan, si aad u difaacdaan dhulkiina ka dibna aad ka shaqeysaan sidii ay carruutiinu u heli lahaa yeen muqtaqabla wanaagsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.