Daawo:Dowlada Soomaliya ayaa dib ugu soo Celisay 150 Dhalinyaro ah oo Xabsiyada liibay ku jiray

Garoonka diyaaradaha ee magalaada Muqdisho ayaa saaka waxaa soo caga dhigatay diyaarada siday ilaa 151 kamid ah dhalinyarada Soomaaliya oo laga keenay dalka Liibiya,kuwaasi oo ku dhibaataysnaa xabsiyada Dalkaasi.

Dhalinyarada oo ay la socdeen mas’uuliyiintii ay dowladda Soomaaliya u wakiilatay oo uu ugu horeeyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi iyo xubno kale ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ilaa 300 boqol oo dhalinyaro ah oo kuxirnaa xabsiyada dalka Liibiya gaar ahaan magaalada Tripoli ayaa isku diwaan geliyay si mutadawacnimo ah si ay dalkooda ugu soo laabtaan,kadib dadaalo ay sameysay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Liibiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.