Maqaal:Dastuurada Soomaaliya iyo Dhallinyarada W/Q Cali Somali

Waxaa lagu qiyaasaa Soomaaliya Dadka ka yar Da’da 30-ka iney yihiin 70% Bulshada, halka 11% ey yihiin caruur. Dhallinyarada ka yar 30-ka waa aqlabiyada Dadka Soomaalida.

Sidoo kale waxay laf-dhabar u ahaayeen Dowladnnimada iyo halgankii Soomaalida; tusaale Dhammaan Siyaasiyiinta ugu caansan marxaladii 1956-dii 1959-kii waa Dhallinyaro ka yar afarantanka.

Waxaa kaloo lagu qiyaasaa 65%-Dhallinyarada in ey yihiin kuwa aan heesan shaqo. Halka Qaybta dumarkana ey yihiin kuwa la kulmo dhibaatooyin badan, sida wax-barasho la’aan, iyo xad-gudub jinsi. Mataalad fiicana eysan heesan.

Siyaasadeenta Xukunka iyo Dulmiga Dastuurka ee Dhallinyarada.

In kastoo dhallinta tahay kuwa ugu badan Dalka 70%, ugu badan xaga saameenta dhibaatada Dalka ka jirto, hadan Dastuurada Dalka iyo shuruucda kale waxay hor istaageen Awoodooda iyo Aqoontooda in ey Dalka ugu faa’ideeyaan .

Dhammaan Dastuurada, waxay Xilalka waawayn Gudoomiyaasha Maxkamadaha, Wasiirada, Madaxwayne imw waxay ku xireen Da’da 40-ka, ama ku dhaw. ! bal is waydii 70% Dadka ma qaban karaan Xial muhiim ah !. hadaba waa maxay sababta ka danbeeso arrintaan?.

Arrintaan waa mid xariir la leh arrimo Siyaasadeesan oo taariikhi ah, wadanka Soomaaliya ma laheen Xisbiya Siyaasadeed oo ajanda leh, 1956-dii Doorashooyinkii dhacay iyo kuwii 1959-kii waxaa Aqlabiyada Baarlamaanka qabsaday Xisbiga “ SYl” oo ahaa Xisbi lagu xagliyo musq-maasuq badan.

Waxayna go’aansadeen sidii Madaxwayne unoqon lahaa Aaden cabdulle, raggii la tartami lahaana looga reebi lahaa. Dastuurkii 1960-kii waxaa lagu qorey Q. 71aad in madaxwaynaha Da’diisa noqota 45sanno.

Waxaana la sheegaa in loogu tala-galay in lagu reebo Cabdullaahi Ciise, raggii Dowladnnimada dhisay ahaa, 34jir ahaa markas, Siyaasigii reer Waqooyi Cigaal oo 32 jir ahaa iyo siyaasiyiin caan ahaa sida Cali jimcaale imw. Dastuurkii 1970-kii isna Da’dii ayuu qaatay asagoo Q. 81 ku qorey 40 inuu jiro.

Dastuurka Faderalka 2012-kii iyo isburintiisa.

Dastuurka Faderalka ah waxuu soo min guuriyey 40-kii uu qorey kii 1970-kii fiiri Q.88aad, faqrada B, halka uu wasiirka uu ushardiyey in uu jiro 30 sanno fiiri Q.98aad faqrada A, lkn waxaa yaab leh Dastuurka in uu u shardiyey Da’da Xildhibaanka in ey noqoto 25 sanno. Fiiri Q.58aad faqrada B.

Intaasi waxaa dheer in Q. 98aad faqradii 3aad Xarafka A, uu qoraayo in Xildhibaanka uu Wasiir noqon karo, waxana isla Q.98aad ku sheegay in Wasiirka uusan ka yaraan soddon sanno. Hadaba ma waxaa jiro Xildhibaanno aan Wasiiro noqon Karin iyo kuwa wasiiro noqon kara?!.bal adba, Maxaa keenay in Dal 70% dhallinyara ah ey 80% xildhibaanada duqey noqdaan?. Maxaa Da,a yarka Aqoonyahanka ah loogu diiday in uu Wasiir noqdo ama Xil muhiim ah qabto?.

Waxaa ugu yaabka badan in dhammaan Dastuurada Dowlad gobaleedka ey Da’daa 40-ka min guuriyeen, ogow waa labbo Gobal qaar ama Gobal iyo bar !!.

Ugu danbayn : Waxaan ugu baaqaa in Ururada dhallinyarada ey culeyska saaraan in Dib u eegista Dastuurka awooda saaran sidii Guddiga loogu Qancin lahaa ilaalinta Xuquuqda Siyaasadeed ee Dhallinyarada.

W/Q Cali Sheikh Adam Yusuf
” Cali Somali”.
Calisomali400@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.