Madaxweyne Gaas oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley wafti kasocda Qaramada Midoobey

gaas

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ayaa waxa uu madaxtooyada Maamulka Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaamineyey ku-xigeenka Xog-hayaha guud ee qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq.

Weftigan balaaran ee uu hogaaminayey Peter De Clercq ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa xafiiska (OCHA) Mr. Justin Brady iyo Agaasimaha ROLSIG (UNSOM) Mr. Staffa Tillander iyo sidoo kale saraakiil ka tirsanUnsom iyo UNDP.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu maanta la qaatey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq waxaa uu ugaga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland, iyadoona madaxweynuhu sheegay in ay Puntland wada shaqayn dhow la leedahay Hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawl gala geeska afrika iyo guud ahaanba dalalka caalamka.

Kulankan maanta uu Madaxweynaha Maamulka Puntland la yeeshay Mr. Peter De Clercq ayaa waxaa uu ku saabsanaa arimaha Bani’aadanimda iyo xuquuqda dadka tabaalaysan ee reebobka duufaanada wata iyo abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay soomaaliya iyo wadamo badan oo deriska ah barakac baahsan iyo waxyeelo u geysteen.
Mr. Peter De Clercq ayaa dhankiisa sheegay inuu aad iyo aad ugaga mahad celinayo kulanka uu kulaqaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland xafiiskiisa iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland, isagoona dhinaca kalena uu sheegay inuu soo maray gobolada waqooyiga Soomaaliya oo iyagana duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay todobaadkii lasoo dhaafay khasaare baaxad leh oo naf iyo maal ahba u geysteen.

Sidoo kale Peter De Clercg ayaa sheegay inuu haatana Puntland u yimi sidii ay ugu kuudh geli lahaayeen xaalada dadka reer guuraaga ah iyo kuwa ku teedsan dhul xeebadka Puntland ee duufaanadii iyo roobabkii sanadku halakeeyeen, islamar’ahaantaanaa ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada Bai’aadanimo iyo raadkii abaarahu ka tageen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in roobabkii duufaanada watay ee ka da’ay Puntland ay dad wax yeeleeyeen, Maamulka Puntland-na ay ka gurmatay amuurtaasi intii taagteeda ah, balse khasaaraha dhabta ah si loo ogaado ay Maamulka Puntland u xilsaartay xeel dheerayayaal xaqiiqo raadiyeyaal ah oo kasoo warbixiya raadadka abaaruhu ka tageen iyo khasaaraha ay geysteen duufaanadii iyo roobabkii isku lamaanaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.