Daawo:Puntland oo sheegtay Cid kasta oo gacansiisa Somaliland waa Dil toogasho ah “

puntland

Guddiga difaaca Puntland oo kulan deg deg ah ku yeeshay Xarunta Madxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe ayaa waxa ay kasoo saareen dhowr qodob oo ku saabsan dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ee deegaanka tukaraq.

Kadib kulankooda shir jaraa’id oo ay qabteyn masuuliyiinta Guddiga difaaca Puntland ayaa waxa ay ku faah faahiyeen qodobada ay shirkaasi ka soo saareen iyo qaabka loo wajahayo.
Wasiirka Amniga Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga difaaca Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayaa sharaxay 11 qodob oo ay kasoo saareen xaalada tukaraq iyo sida loo wajahayo.


1: Waxaa lagu wargalinayaa shacabka Puntland in dawladda ay ka go’an tahay Xoreynta gobalka Sool iyo dhamaan dhulka ka maqan Puntland.
2: Aragti kasta oo ka soo horjeeda Midnimada Puntland iyo xoreynteeda waa dambi Qaran, cidii aamisana waxaa loo aqoonsanayaa U gargaare Cadow, sidaas awgeed waxaa lagu qaadayaa xeerka ciqaabta.
3: Hub kasta oo ku sifoobay ama loo arko in uu lid ku yahay xoreynta dhulka maqan, wuxuu la mid noqonayaa Hubka cadowgu haysto.
4: Taliye ciidan iyo Masuul kasta oo xilka haya Maamulka Hargeysa oo kasoo baxa, kana soo wareega mudada howlgalku socdu wuxuu muteysanayaa abaalmarin.

5: Qof kasta oo ka soo jeeda deegaanada Puntland oo u shaqeeya maamulka Hargeysa kana tanaasuli waaya hagardaamada Shacabka iyo dawladnimada Puntland wuxuu mudanayaa Xeerka ciqaabta Puntland.
6: Qof kasta oo cadow Puntlad qariya ama gabaad siiya, isagoo ujeedadiisu tahay in uu waxyeelayo Shacabka iyo dawladda Puntland, qofkas wuxuu la dambi yahay Cadowga uu qariyey, waxaana la marinayaa sharciga.

7: Qof kasta oo gacan siiya qof u shaqeeya maamulka Hargeysa, kuna cadaato khiyaano Jaajuusnimo waa dil aan laheyn wax mag ah.
8: Malaha wax mag ah ama godob ah taliyaha ama masuul kasta ka soo jeeda deegaanada Puntland ee lagu dilo dagaalka isagoo u dagaalamaya Somaliland.
9: Hanti kasta oo uu leeyahay qof reer Puntland looguna shaqeynayo Somaliland waxaa la wareegaya dawladda Puntland.
10: Maxkamadda ciidamadu Qalabka Sida waxay waajibkeeda ka gudanaysaa qof kasta oo dambi ka geysta goobaha Dagaalka, gaar ahaana dil, dhac, kufsi iyo dambi kasta oo laga geysta goobaha dagaalka.
11: Dawladda Puntland waxay cadeynaysaa in aysan cadow ku aheyn Shacabka ku nool gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, waxayna soo dhaweynaysaa cid kasta oo doonaysa midnimada, wadajirka iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.