Daawo:Waa Maxay Xagjireeyn sidee looga hortagaa?

deqa

Inbaddan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed kuwa ku nool qurbaha iyo gudaha Soomaaliya waxay la kulmaan caqabado ka dhasha dhanka fikirka gaar ahaan marka loo eego dhanka Diint.

Waxa ay qaarkood saxiib la noqdaan kuwo si dhab ah noloshooda cadow ugu ah isla markaana u horseda mustaqbal la’an iyo in ay galaan albaabkii nolohooda ku soo xirmi lahayd, kaas oo taariikh xun ku reeba qoyskiisa iyo asxaabtiisa kuwooda wanagsan.

Dhalinyaro baddan ayaa iyaga oo aan cilmi buuxa u lahayn arimaha diinta si qaldan looga raaridaa qodobo u muujinaya in ay yihiin kuwii ay janada ku gaari lahayeen ama ay ku heli lahayeen liibaan aduun iyo mid aaqiro, lakin taas badalkeeda waxa ay la kulmaan dhibaato aysan marnaba ka lug bixi karin.

Arimaha xagjireeynta dhalinyarada waa mushkilad meel walba ku haysta dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana tusale kuugu filan dhalinyarada ku jirta xabsiyada dalka Mareykanka waxaa ka mid ah kuwo loo xiray arimo la xariira xagjirnimo aysan cilmi u lahayn isla markana aysan wax ficil ah ayaga oo aan samayn la helay xogtooda deetana ay ku muteen xabsi iyo ciqaab, hadii aad wax ka weydiiso sababata loo xiray si fiican uma sharixi karaan maxaa yeelay waa wax aan iyaga ka imaan ee maskax kale ay adeegsatay.

Dhalinyarada maalinwalba qaraxyada ka sameeya dalkena Soomaaliya ee uu arka in ay jano ku galayaan in ay dilaan ama laayaan kumanaan dad ah oo aan waxba glabsan waa astaan kale oo muujinaysa xadiga xagjireeynta.

Haddaba waxa is weydiin mudan Waa maxay xagjirnimo? Sidee looga hortagi karaa? muxuu yahay doorka waalidiinta? Culumadu ma qaataan kaalintooda ku aadan in laga hortago xagjirnimada, diintuse maxay ka qabtaa? dhaman waa Su’aalo ay is weydiin karaan dadka caqliga u saaxiibkaa.

Waxan asbuucan arimahan wax ka weydiiyay Sheekh Horseed Nuux oo ah Nin dhalinyaraa oo aqoonyahan ah isla markaana ku nool Magaalada Columbus Ohi, waa Afhayeenka gidiga Masaajida Somaalida Ohio wana agaasimaha Masjidka weyn ee abubakar Sadiiq ee isla Columbu.

Arimahaas ayuu si faah fahsan uga hadli soonaa ka boggo Muuqaalka Hoose.

Deeqo SONNA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.