Taliyaha Booliiska oo amaro dul dhigay Xildhibaanada.

Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa gudoonka Golaha Shacbka ee Barlamaanka Soomaaliya ku wargeliyay amaro ay soo saareen isla markaana ka dalbaday fulinta amaradaasi mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ayna u hogaansamaan amaradaasi oo sheegeen saraakiisha ciidamada Booliiska in ay ku xaqiijinayaan sugida amniga.

Qaasim Axmed Rooble oo ah afayeen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ay baaridoonan xubnaha Barlamaanka lagana reebi doono ilaalada iyo wax waliba oo dhibaato keeni karo ama lagu dagaalami karo,  loo ogolaan doonin in ay Gudaha Xarunta Golaha Shacabka la galaan Hub.

Afayeenka ciidamada Booliiska xubnaha Barlamaanka Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday in ay u hogaansanaadaan amaradooda si loo adkeeyo amaanka looga hor tago dhibaatooyinka dhici karo mararka qaar.

Amarkaan la faray Saraakiisha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa imaanaya xili maalmihii dambe uu cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhaxtaagan Golaha Shacabka, taas oo keentay in ay eedeen iyo hanjabaadyo hawada isu mariyaan xubnaha ka tirsan Barlamaanka ee ku kala qeyb san Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacab Cabdi wali Shiikh Ibraahim Muudey ayaa war uusoo saaray waxa uu hay’adaha amniga ka dalbaday in ay mas’uuliyad iska saaraan sugidda amniga Xildhibaanada.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka ayaa dhankiisa hay’adaha amniga ugu baaqay in ay ka madax banaanaadaan oo ay ku dhax milmin khilaafka iyo siyaasada hadda taagan sida dastuurka dalka uu dhigayo qodobkiisa 127-aad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.