Gudoomiye Jawaari muxuu ka yiri baaqashada kulankii Barlamaanka ee maanta?

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo shir Jaraa’id goor dhow ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee maanta la filayay in uu qabsoomo ee baaqday ay timid ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyay in la hakiyo kulanka Barlamaanka ee maanta isla markaana uu aqbalay.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Mooshin uu ka yaalo ayaa xalay goor dambe waxaa kulan laqaatay asaga iyo Labadiisa ku xigeen Madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed cabdulaahi farmaajo.

Jawaari oo ka warbixinayay qodobadii kulankaasi looga hadlay ayaa yiri “Aniga iyo labadeyda ku xigeen waxana la kulanay madaxweyne Faramajo waxana ka codsanay in la hakiyo kulanka Golaha Shacabka ee manta si loo dejiyo xaalada siyaasadeed ee dalka anaga oo ka fikireyna mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed madaxweynuhuna wuu naga aqbalay arintaas ayuu yiri Gudoomiye Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari”

Hadalkaan ka soo yeeray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muushinka uu ka yaalo ayaa imaanaya kadib markii Kulan saacado badan qaatay ay xalay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari iyo labadiisa ku xigeen iyadoona gaba gabadii kulankaasi lagu yiri “Waxaa la hakiyay kulankii Golaha Shacabka ee loo balansanay maanta kadib markii soo jeedin ay ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.