Ciidamada Galmudug oo lagu Amray in ay adkeeyaan Amniga

xaaf
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku amray ciidamada maamulka Galmudug in ay adkeeyaan Ammaanka.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Amniga degaanada Galmudug la xoojiyo, islamarkaana ciidamada ay ka hortaggaan Weeraro iyo dhibaatooyin soo gaara Shacabka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa xusay in ciidamada Galmudug loo kordhin doono si ay Weeraro ugu qaadaan degaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ciidamadii Galmudug iyo kuwii Ahlusunna la isku daray, islamarkaana ay kusoo dari doonaan ciidamo dheeraad ah.

Xaaf ayaa ciidamada ku booriyay in ay suggaan Amniga Gudaha iyo dibadda degaanada Galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.