Xildhibaanadii Mooshinka ka geeyay Jawaari oo sheegay in Jawaari iska tagi doono

jawaari

Xildhibaanada Mooshinka ka geeyay Jawaari ayaa ka hor yimid go`aankii ka soo yeeray Gudiga Badbaadada Golaha shacabka ee ku aadanay in uu jabay ama buray Mooshinka ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari ayakoo sabab uga dhigay in uu dhaafay waqtigii 10ka maal mood ahaa ee lagu dhameeyn lahaa muranka iyo is qab qabsiga la xariira arimaha Mooshinka.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Deeriye oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka geeyay Jawaari ayaa sheegtay in hadalka ka soo baxay Gudiga badbaadinta Golaha Shacabka uu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan la ogayn qaabka uu ku dhamaan doono Khilaafka siyaadsadeed ee hareeyay hay`ada sharci fulinta iyo sharci dajinta, iyadoona xaalada ay u muuqato mid mugdi lugaha la sii galeyso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.